Kettering Health Network
Kettering Physician Network
Health Encyclopedia
Search Clinical Content Search Health Library
A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z A-Z Listings

Ka dib qaliinka lagaga saarayo qanjirrada xoqadaha ama xoqadaha

Ilmahaagu waxaa qaliin lagaga saaray qanjirrada dalqada ama qanjirrada sanka Ilmahaaga wuxuu u baahan doonaa waqti uu ku bogsado. Hoos waxaa ku yaal tilmaamaha kaa caawinaya in ilmuhu bogsado.

Xanuun iyo dhaqdhaqaaq

  • Iilmahaga kafilo inu qabto xanuun dhuunta ama dhagta ah 1 ama 2 isbuucyo.

  • Yarey dhaqdhaqaaqa 1 ama 2 isbuuc ama sida uu ku taliye adeeg bixiyaha caafimadka ee ilmahaga.

Cunto dheelitiran

Hubi in ilmahaagu helo dareere ku filan iyo cunto caafimaad leh. Halkan waa hagitaanada qaarkood:

  • Sii dareere badan. Doorashada wanaagsani waa biyo, baraf yaryar, iyo cabitaan khafiif ah. Ha siin casiir liin ama cabitaano isku mid ah. Sii xadi yar oo dareere ah inta badan. Tani waxay kadhigeysaa goobta qoyaan.

  • Sii cuntooyin jilicsan oo la cuno. Kuwaan waxaa ka mid ah: jeelatin, macmacaanka, iyo jalaatada. Doorashooyin kale waa ukumo la dubay, baasto, iyo cuntooyinka la shiiday.

  • Ha siin cuntooyinka basbaaska leh, aashitada leh, ama qallafsan. Kuwaas waxaa ka mid ah miraha cusub,rooti, ​​buskud, iyo jajabyo baradho ah.

Ilmahaagu waxa uu wax u cuni karaa sidii caadiga ahayd ilaa iyo inta aanay iyaga dhibin.

Nin siinaya gabar galaas biyo ah.
Cabida dareere badan waxay ka caawineysaa ilmahaagu inuu bogsado.

Daawooyinka xanuunka

Kaliya sii ilmahaaga daawooyinka uu adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadku kuu sheegay inaad siiso. Tan waxaa ku jiri kara ibuprofen ama acetaminophen midkood. Xaaladaha qaarkood, waxa laga yaabaa inaad u kala beddesho kuwan wakhti kasta. Raac tilmaamaha adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka si dhow. Marka hore, waxaa laga yaabaa in laguu sheego inaad siiso ilmahaaga dawooyinka xanuunka xataa habeenkii. Taas macneheedu waxa weeye in aad habeenkii toosiso ilmahaaga si aad u siiso daawo. La soco xanuunka ilmahaaga ugu yaraan 4tii saacadoodba mar.

Goorta la wacayo adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka ilmahaaga

Xanuun fudud iyo qandho yar waa caadi qalliinka ka dib. Goobta qalitaanku lagu sameeyay way caddaan doontaa marka ay bogsanayso. Tani waa caadi. Ma aha caabuq. Wac adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka ilmahaaga haddii ilmahaagu uu leeyahay mid ka mid ah kuwan:

  • Qandho sareeysa ama aan tageyn (ka eeg Qandhada iyo carruurta, hoose)

  • Suuxdin ay sababtay qandhada (Hoos ka eeg Goorta lawacayo 911)

  • Xanuun daran oo aanay daawadu fududayn

  • Dhiig bax guduudan oo dhalaalaya oo ka imaanaya sanka ama afka, kuijira candhuufta, ama kujira xinjir (xinjir)

Goorta la wacayo 911

  • Dhibaato kasta oo neefsashada ah

  • Haddii tani ay tahay suuxdintii ugu horreysay ee ilmahaaga

  • Haddii suuxdintu sii socoto in ka badan 5 daqiiqo

  • Haddii ilmahaagu uu leeyahay suuxdin isku xigxigta ama aanu ka kicin suuxdin ka dib

  • Haddii ay dhaawacyo soo gaadheen muddada suuxdinta

Qandhada iyo carruurta

Isticmaal heerkulbeega dhijitaalka ah si aad u hubisid heerkulka canugaaga. Ha isticmaalin heerkulbeega meerkuriga ah. Waxaa jira noocyo kala duwan iyo isticmaalada heerkubeega dhijitaalka ah. Waxaa ka mid ah:

  • Malawadka. Wixii carruurta ka yar 3 sano, heerkulka malawadka ayaa ugu saxsan.

  • Madaxa hore (ku meelgaar ah). Tan waxay u shaqeysaa carruurta da'dooda ah 3 bilood iyo ka weyn. Haddii canug uu ka yaryahay 3 bilood oo uu leeyahay aastaamaha jirada, tan waxaa la isticmaali karaa marka koowaad. Adeeg bixiyaha waxaa laga yaabaa inuu doonayo inuu xaqiijiyo heerkulka malawdka.

  • Dhagaha (durbanka dhagaha). Heerkulka dhagaha way saxanyihiin 6 bilood da'da ah kadib, laakin ma ahan ka hor.

  • Kilkisha (shaqfasho). Tan waa mida ugu yar ee lagu xisaabtamo laakiin waxaa loo isticmaali karaa wajiga koowaad si loo hubiyo canug da' walba ah oo leh aastaamaha jirooyinka. Adeeg bixiyaha waxaa laga yaabaa inuu doonayo inuu xaqiijiyo heerkulka malawdka.

  • Afka (af). Ha u isticmaalin heerkulbeega afka canugaaga illaa ka gaaraan ugu yaraan 4 sanno jir.

Ku isticmaal heerkulbeega malawadka si leh daryeel. U raac tilmaamaha alaab sameeyayaasha isticmaalka saxda ah. Si tartiib ah u geli. Calaamadee oo hubso inaan loo isticmaalin afka. Waxay u gudbin karaan jeermisyo ka yimid saxarada. Haddii aadan dareemin fiicnaan markaad isticmaaleysid heerkulbeega malawadka, weydii adeeg bixiyahaaga daryeelka caafimaad nooca la isticmaalo badelkeeda. Markii aad ka la hadashid adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka wax ku saabsan qandhada canugaaga, u sheeg nooca aad isticmaashay.

Hoos waa markii la wacayo adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka haddii canugaaga uu qabo qandho. Adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka canugaaga ayaa ku siin karo lambaro kala duwan. Raac tilmaamahooda.

Goorta laga wacayo adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka qandhada canugaaga

Wixii ilmaha ka yar 3 bilood jir:

  • Marka koowaad, weydii adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka canugaaga sida aheyd inaad u qaadid heerkulka.

  • Malawadka iyo madaxa hore: 100.4°F (38°C) ama ka sareeyo

  • Kilkisha: 99°F (37.2°C) ama ka sareeyo

  • Qandhada ___________sida uu ku taliyay adeeg bixiyaha

Wixii canuga da'da 3 bilood illaa 36 bilood (3 sanno):

  • Malawadka ama madaxa kore: 102°F (38.9°C) ama ka sareeyo

  • Dhagta (kaliya loo isticmaalo da'da ka weyn 6 bilood): 102°F (38.9°C) ama ka sareeyo

  • Qandhada ee ___________ sida uu ku taliyay adeeg bixiyaha

Xaaladahan dartood:

  • Heerkulka kilkisha oo 103°F (39.4°C) ama ka sareeyo oo canuga da' walba ah

  • Heerkulka 104°F (40°C) ama ka sareeyo oo canuga da' walba ah

  • Qandhada ee ___________ sida uu ku taliyay adeeg bixiyaha

© 2000-2025 The StayWell Company, LLC. All rights reserved. This information is not intended as a substitute for professional medical care. Always follow your healthcare professional's instructions.
Powered by StayWell
About StayWell